Ismaciil Cabdi Qorraalo

Somalida waligeed waa Sekulaar

Dadka badankooda marka aay maqlaay eraygaan sekular, durbadiiba waxaay u qaataan in aay tahay diin cusub ama nidaam laga soo xawilay wadamada galbeedka.
Laakin sida runta-ah, soomaali waligeed sekulaar ayey aheyd!
In Sekulaarnimada tahay dhaqan Somalida weligeed lahaan jirte waxaad ka bidhaansan kartaa, xeer hoosaadka bulshada u’yaal ee odayaashu ku dhaqmi jireen.
Markii arin ka dhax dhacdo bushada, waxaa isku imaan jiray odayaal ka kala socdo qolyaha wax dhax mareen, ka bacdina halkaas ayaa xal looga gaari jiray arinka markaas taagnaa iyadoo fiiro gaar ah loo yeelanaayo eerka udhaxyaal labada qolo, iyo xeer hooseedka uyaal qabiiladda qaar.
Doorka wadaada diinta aay ku lahaayen xeerka.
Markii la isku yimaado shirka, doorka uu wadaadku ku lahaay waxay aheyd in uu shirka ku furo aayadaha qur’aanka dadkana uduceeyo.
Waxii intaas ka danbeeyo wax saameyn-ah kuma laheeen shirka, waa iskaga baxi jiray, ilaa iyo hadana waa sidaa, soomaalidu sidaas ayeey isku dhaqi jirtay, iskuna dhaqdaa ilaa hadda.
Laakin markii dowladii Siyaad Barre dhacday ka bacdi, waxaa soo baxay ururo diimeed iska dhigayaa in aay wakiil ka yahiin allah.
Dadka ayeey ka dhac dhacsiiyeen, in aan lakala saari Karin diinta iyo dowladda.

Nasiib darada dhacdey waxaay tahay in dad badan oo dulshada ka tirsan run u qaateen in wadaadka diinta iyo dowlada aan lakala saari karin iyo waliba in wadaadka yahay wakiilka Ilaahey.
Laakin nasiib xumadda ayaa ah in badan bulshadda warkaas rumeysteen, iyagoo iska indha tiraayo xeerka uyaal qabiilkiisa ama qoyskiisa.
Haddi qof qoyskiisa ka tirsan haddi wax dhax maraan, la’aadayo xeerka qoyskiisa.
Laakin haddu qof ka maqlo ereyga cilmaani, waxuu lasoo booda waxaa tahay gaal.

W/q: Ismaacil cabdi