Muxsin Jama Qorraalo

Necbiya waxbarashada!

Sideed sano guuradii dhalashadayda markay ahayd ayay waalidkeey igu dareen malcaamad (dugsi qur’aan) jaar la ahaaa xaafadayada.
Aabahay wa xeroow ,halka hooyaday ay ku xirantahay salafiyiinta mayalka adag .
Kala duwanaanshaha argti dimeed ee waalidkay saamayn kuma lahayn arimaha qoyskeena ugaarka-ah!
Hase-ahaate, xaaalada waxaay cirka isku shareri jirtay marka ay isku qabsadaan dugsiyada aan diinta iyo cilmiga syniska ka barandoono .
Si walba oo ay xaaladu noqoto, hoyadeey amarkeeda aya ka sareeyay amarka aabe!
Sabbto ah hooyadey waxay xog ogaal u ahayd noloshayna guriga maadaama ay nolosheeda malinle badankeed ku dhex qaadan jirtay guriga .
Waxba yanana hadal idinku daalin, dugsigeyga waxaa macalin ka ahaa wadaad salafi ah oo aad u kulul.

Marka uu walidka u shekaynayo, Macalinkeyga waxaa hal-hays u’ahaa: “dhankadu waa aas- aaska barashada quraanka, Jir aan xanuunsan Quraan ma barto “.
Hooyadeeyna aad bay ugu riyaaqsnayd macalinkayga qur’aanka, iyo sida quraanka inoo baro!
Halkaas waxaad ka dareemi kartaa, heerka ay budhayntu (garaacidu) ka joogtay dugsiga aan qur,aanka ka barto.
Dhibaato oo adhan waxay timaadaa oo reerku inuu dumo ku sigtaa, marka aabahey arko dhabarkayga oo fiilooyinka koranta sida farshaxankii ugu sawiranyihiin.
Buuq iyo sawaxan ayaa is qabsada, wax barshada Quraankana waxay horseedey qalalaaso mar walba guriga ka taagan!

Sikastaba ha ahaate, sandkii sagaalad ee dhalashadayda ayaa la i raaciye iskool cilmiga syniska lagu barto .
Dugsi hoose ayaan buug iyo qalin u’qaadan jire, hase-ahaatee nasib daro waxaan ku saqbanaan in arooryada hore maclamada Quraanka u’dheylmado oo aan ka soo baxo cashirkii shalay la ii meeriyay.
Uleyn joogta ah ayaa ii qornaayd aroortii dhalataba.
Ka bax ama haka bixin cashirka quraanka, waa tii ushu jirkaaga ay mar un solataa.
Markay ugu yartay, inaad tajwiidka ama madka qaldo ha-ahaate, koleey ul la,aan ma a haan jirin !.

Maxaan u nici waayay wax barsho!, waayo ila hada jirdilkii la iigaysan jiray ayaa iisawiran …….

Muxsin jama