Dr. Bile Samatar Qorraalo

Waa maxay Evolution?

Waa maxay Evolution?

Waa maxay Evolution?Maxay se tahay Aragtida Horumarka Noolaha(The theory of Evolution)?!
Erayga Evolution oo loogu dhawaaqo E-fa-luu-shin, macnihiisa xarfiga ah waa horumar, ama hor u socod. Wax horay uga dhaqaaqay halkii ay joogeen.
Evolution ama the theoey of evolution waa qeyb ka mida Cilmiga Noolaha ( biology). Waa mowduuc gorfeeya xiriir ka hidde ( genetic), muuqaal, iyo askun ee ka dhexeeya dhamaan noolaha dunida ku nool. Cilmiga Evolution ku ma aha mid gorfeeya sida ay nolosha ( life) ku askuntay ama u ku timid, balse waa cilmi isku howla inuu muujiyo xiriirka ka dhaxeeya dhamaan noolaha dunida ku nool.
Evolution ku wuxuu qaataa wakhti dheer si saamayntiisu uga muuqato noolaha, sidoo kale wuxuu qaadan karaa wakhti kooban, balse inta badan wuxuu qaataa wakhti aad u dheer. Tusaale horumarka iyo isbadelka ku dhaca Bakteeriyada qaarkeed wuxuu qaadan karaa maalmo kooban si ay Bakteriyadaas u noqoto noole ka duwan kii hore. Balse horumarka iyo isbadelka ku dhaca dhirta ama dadka wuxuu qaadan karaa boqolaal kun oo sano si loo dareemo inuu isbadel ku dhacay noolahaas.
Evolution ka waxaa sababa dhowr walxood, waxaa se ugu muhiimsan inta hoos ku xusan:
1-Kala duwanaasho ( variation ) kala duwananta aynu ka hadlayno waa mida u dhexaysa Hal NOOLE sida Dadka. ( la soco isma bar bar dhigayno Labo NOOLE, ee waxaynu tilmaamaynaa oo qura kala duwanaanshaha Hal NOOLE).
Kala duwanaashahaas waa mid joogta ah sida kala duwananta Dadku ku kala duwanyihiin DHERAR KA iyo CULAYSKA . Midna waa kala duwanan aan joogta ahayn tusaale ; LABB IYO DHADIG.
Waxaa sababa kala duwananshaha HIDDE ( genetic), tusaale kala duwanaanta ay dadku ku kala duwanyihiin Dheerarka waxaa sababay HIDDE ( Genetic factor). Sidoo kale kala duwanaanta waxaa sababa Deegaanka ( environment ) tusaale CULAYSKA Qof ka waxaa saamayn ku yeelan kara cunada uu cuno iyo Hab nololeedka uu qofkaa ku noolyahay taaso ah Saamayn Deegaan (Environmental factor).
2- La qabsashada (Adaptation):
Dhamaan Kala duwanaan walba oo ka dhex jirta Hal NOOLE ,haddii ay ahaan lahayd, DHERAR,MIDAB, CULAYS, …….IWM, waxay ku khasabtaa Noolehaasi in uu sameeyo la qabsi uu la qabsanayo Deegaanka ( environment) si uu u bad baado isaga iyo dhashiisa. La qabsashadaas waxay noqon kartaa mid ah LA QABSASHO HAB-DHAQANEED ( Behavioural adaptation ) tusaale Lo’da duur joogta ah waxay u nooshahay koox koox, halkii koox waxay kor u dhaaftaa 100 . Lo’daas duur joogta ah uma noola ha hal gooniya. Maxay tahay haddaba sababta ay lo’daas ugu nooshahay koox gaaraysa 100? Sababtu waxaa weeye haddii uu libaax soo weeraro kooxdaas waxaa yaraanaya halista libaaxaas. Si aad u fahamto habka ay u yaraanayso halista libaaxa, waxaad is weydiisaa waa imisa fursada bad baado ee ay hasato hal lo’ haddii uu libaax soo weeraro ? Waxaa hubaal ah in fursadeeda bad baado ay tahay libaaxa ayaa cunaya ama waa ay ka bad baadaysaa taasoo xisaab ahaan noqonaysa %50. Balse haddii ay lo’daas ku dhex jirto 99 lo’ood fursadeeda bad baado aad ayay u badanaysaa taasoo xisaab ahaan noqonaysa %99, sidoo kale halista in la cuno aad ayay isku dhimaysaa oo waxay noqonaysaa 1% , sababtoo ah halistii in la cuno waxaa la qaybsaday 99 lo’ood. Tani waxaa la yiraahdaa Behaviour adaptation ama la qabsasho hab dhaqameed.
Laqabshadu waxa kale oo ay noqon kartaa mid ku timaada jirka Noolaha gudahiisa ( physiological and anatomical adaptations). Tusaale Nibiriga wuxuu leeyahay Baruur adag ( fat) oo ka celisa in dhaxan uu u dhinto marka uu Baddaha qabow gaaro.
Horumarka Nooluhu wuxuu qaataa wakhti dheer, sidoo kale wakhti gaaban ayuu qaadan karaa. Noolaha qaar ka mida isbadel degdeg ah hadduu ku dhaco deegaankiisa, waa uu dabar go’aa, balse qaar kale sida Bakteeriyada qaar ka mida, oo la yiraahdo Staphylococcus aureus, waxaa ku dhaca isbadel Hidde. Isabadel ka Hidde ee ku dhaca Staphylococcus aureus, waxaa sababa isbadel ku yimaada Deegaanka ay ku nooshahay Staphylococcus aureus.Staphylococcus aureus waxay ku nooshahay gudaha noolaha dhiiga kulu sida Dadka, Lo’ da…iwm. Badanaa Staphylococcus aureus dadka wax dhibaato ah uma gaysato, balse sida aan horay u xusay deegaanka Staphylococcus aureus waa gudaha noole kale sida dadka. Isticmaalka baahidu aysan keenin ee ay dadku isticmaalayaan jireen Anti-biotics ayaa isbadel u geystay Deegaankii Staphylococcus aureus ee ahaa gudaha dadka, kadibna waxaa ku dhacay Staphylococcus isbadel hidde si ay ula qabsato isbadalka ku dhacay deegaankeedi. Waagii hore qofku haddu hargab ku dhaco dhaqaatiirtu waxay u qori jireen Anti-biotics, balse hadda dhaqaatiirtu siiba kuwa reer galbeedku qofka ilaa ay ogaadaan inuu u baahanyahay Anti-biotic uma qoraan, waxayna ku dadaalayaan inay yareeyaan isbadel ka deegaan iyo midka hidde ee ku dhacaya Staphylococcus aureus, taasoo keeni karta in Staphylococcus ay noqoto mid la qabsata Anti-biotic kada, kadibna ay halis noqoto oo wax lagu daaweeyo la waayo mar haddii ay la qabsatay antibiotics kadii.
Tusaalahaas kore wuxuu cadayn u yahay in horumarka noolahu uu yahay mid dhaba oo la dareemi karo mudo kooban.
Kala duwanaanta uu halka NOOLE kala duwanyahay (variation ) iyo La qabsashada uu nooluhu la qabsanayo deegaankiisa haddii ay socoto malaayiin sano, waxaa soo askuma NOOLE cusub oo ka duwan kii hore.
Haddaba Dadku sidee bay u horumareen( evolution) ?
Dadku se ma daanyeer bay ka yimaadeen?
Dadku waxay ka soo askumeen sida ay leedahay aragtida Horumar ka Noolaha ( Theory of Evolution), noole ka bad baaday dabar go’ii ku dhacay noolihii noolaa xiligii Diinaasuur ka ( Dinosaurs ), noolahaas oo ahaa naaslay ( mammal) yara. Naasalaydaas yar ayaa waxaa ku bilowday kala duwanaansho (variation ) iyo La QABSASHO ( Adaptation ) socday malaayiin sano, ilaa ay samaysmeen Noolaayaal cusub.
Noolayaashaa cusub sidoo kala waxaa ku socday Variation & Adaptation, socday malaayiin sano, ilaa ay qaar ka mid ah noqdeen NOOLE cusub. Noolahaas cusub waxaa ka bad baaday inta awooday inay la qabsato isbadalka joogta ah ee ku socday deegaankiisa.
Inta badan dadka aan fahamsanayn waxa uu Evolution ku yahay, waxay la soo boodaan in Evolution ku uu yahay ” Dadka daanyeer bay ka yimaadeen!” Waxayna daliilsadaan muuqalka hoos ka muuqda. Muuqaalka hoose waxaa loogu talo galay kaliya in lagu muujiyo xiriirka hidde ( genes), muuqaal, iyo hab dhismeedka jirka ee ka dhaxeeya dhamaan kooxda loo yaqaan Primates. Muuqaalku wuxuu muujinayaa kaliya in noole walba oo ka muuqda muuqaalka uu xiriir la leeyahay kan kale oo labadii isku dhowba xiriirkoodu uu yahay mid iskaga dhow kuwa kale ee ka fog. Muuqaalka loolama jeedo in mid ba midka kale ka farcamay, ee kaliya waxaa lagu muujinayaa xiriirka ka dhexeeya iyo sida ay iskugu dhowyihiin.
Afka Soomaaliga waa af la dayacay oo aan lahayn eray bixin badan, tusaale Primates ka waxaa ay u kala baxaa boqolaal nooc, balse Soomaalida wax walba oo muuqaal dad leh balse aan ahayn dad waa u daanyeer. Taasina waa nasiib xumo.
Dunida islam ka waa meelaha wali evolution ka laga dafiro oo dadka intooda badan aysan fahamsanayn. 1970s waxaa ku batay dunida islam ka rag culimo isku sheegay oo dadka marin habaabiyay oo been ka sheegay evolution. Balse tobankii sano ee u dambaysay waxaa soo baxay rag dhalinyaro ah oo wadaado ah oo dadka fahamsiiyay waxa uu evolution ku yahay iyo waxa ay ku diidanyihiin. Isku soo duub evolution ku ma aha wax lagu soo koobi karo post ama maqaal, balse waa moduuc aad u balaaran. Waxaan kula talin lahaa qof walba oo taageersan ama diidan evolution ka inuu marka hore baaro, oo uu akhriyo, iskuna dayo inuu fahmo, kadibna uu la doodo kuwa taageersan ama kuwa diidan.
Mahdin.