Qorraalo

Islaam-ku miyuu leeyahay dhar gooni ah


dadyawga dunida ku nool amaba ku soo noolaa isku si marna uma arrag umana xirran labiska qaarbaa qaadashada dharka uba arkay una arka in uu yahay foolxumo nifaaq. Kuwa kale ayaa ku yaq-yaqsooda dhar-ka oon la xirran.

Waxaa laakiin lagu kala gaddisanyahay haddana heerka qaawanida rag iyo dumarba. Haddii aan marka maqaal-keenna xooogga ku saarno sida islaam-ku u arko qaawanida ama Astur-ka iyo ulajeedada laga leeyahay asturka, aan se ku hormarno Qur’aanka oo ah isha koobaad ee diinta islaamka wax yar se aan dul istaagnno sheekada ay ka dhalatay dhar xirashadu.

Markii  Aadam iyo Xaawo la sheegay in jannada la geeyay Sheydaanna ka adeegtay (fitneeeyay) waxaa muuqaneysa in aanay wadan wax dhar ah halkaasi oo ah waa jannadee goob aad udahirran iyagana qiimaha qurruxdooduna aheyd Qaawanidooda iyada oo lawada ogyahay in isla qaab-kan lagu hor istaagayo alle, sida diintu timaantay

Si kastaba ha ahaatee markii sheydaan-kii dhagray, arkeenna wax ay faleen waxaa u muuqatay wax lagu tilmaamay xumaantoodii (Cawradoodii) markaana billaabeen in caleenta jannada naf bideen iyaga oo qarinaya halkey maleeyeen cawra in ay tahay  tiiyoo aanay jirrin nusuus diini ah oo ay daba socdaan balse ay hageyso abuurkooda ( Fitradooda).

Haddaba waa muhiim in aan milicsanno halkka ay maleeyeen cawra in ay tahay iyo halka jirkooda si rasmi ah loogu sheegay in ay qariyaan iyo taasi xiriirka ay la leedahay dadyawga dunida illaa maanta.

فلَمَّا ذَاقَا الشَّجَرَةَ بَدَتْ لَهُمَا سَوْآتُهُمَا وَطَفِقَا يَخْصِفَانِ عَلَيْهِمَا مِنْ وَرَقِ الْجَنَّةِ…اعراف 22

Sida ay isku waafqeen ragga fasira qur’aanka iyo si ahaanba fuqahada waxa ay ku sheegeen meelaha ay jirkooda ka qariyeen in ay aheyd labada xun oo ay kawadaan xubnaha tarran-ka ee ragga iyo dumar-ka iyo futada/dabada.

Haddaba markii si rasmi ah loo amray in ay u asturaan cawradooda loona dhaadhiciyay dhulka waa xaggee meesha la amray qarinteeda aayddan ayaa ka jawaabeysa arrinkan.

يا بني آدم قد أنزلنا عليكم لباسا يواري سوآتكم وريشا ولباس التقوى ذلك خير ذلك من آيات الله لعلهم يذكرون  ..اعراف 26

Aayddan oo ah aayadda u ah mawduuceenna saldhig waxa ay tilmaantay in ay jiraan 3dhar:

1. mid ay tahay xirashdiisu lagama maarmaa laguna qarinayo halkii Aadam & Xawaa ummaleeyeen cawra taasi oo aan soo arragnay ( Xubnaha tarranka & dabad/futada).

2. Mid xarrago ah oo jirka intiisa kale laga qaadanayo (qofkii raba).

3. Iyo kan u muhiimsan oo ah mid macnawi ah oo tilmaamaya dadnimad qofku in aanay aheyn hagoogta.

Dhinaca ragga wali waxaa muuqata in aanay jirin is baddal weyn oo ku dhacay xagga cawrada marka laga yimaado murran yar oo u dhaxeeya Madaahibta balse ay isla oggolyihiin xudunta illaanjilbaha. Balse Abaa Xaniifa uu taaganyahay wali sida aan kor ku tilmaannay.

DUMAR-KA

Asturka dumar-ka, waxa ay hadda qaar badan oo muslimiinta ahi qabaan in uu ka gadisanyahay kan ragga inkasta oo sida caadada u ah fasirayaasha diinta ay isku maan dhaafeen inta lagu darayo intii aan horay u sheegnay.

Waxa kale oo mushkiladi ka jirtaa aayadaha ay keenteen sax ma tahay in ay sheegeen cawra dheeraad ah oo dumarku leeyiihiin bal aan fiitinno labada aayadood oo bud-dhigga u ah daliil-kooda.

 

يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ قُلْ لِأَزْوَاجِكَ وَبَنَاتِكَ وَنِسَاءِ الْمُؤْمِنِينَ يُدْنِينَ عَلَيْهِنَّ مِنْ جَلَابِيبِهِنَّ ذَلِكَ أَدْنَى أَنْ يُعْرَفْنَ فَلَا يُؤْذَيْنَ ﴾ [الأحزاب: 59].

Aayadani waxa ay tilmaameysaa in dumarku qaataan Jilbaab ( Go’) waxayse cilladda ka dhigeysaa in sababka qaadashadu yahay uun kala garaaho iyaga iyo kuwa kale. Mufasiriintu wax ay soo qaateen in sabaka aayadani ku soo dagtahay uu ahaa in ay jireen laba nuuc oo dumar ah ” Addoomo & Xor ” oo aanay jirin xannaano ay heystaan gabdha Addoomaha ahi sidaas darteed ay dhici jirtay in la isku qalddo oo sidaana kuwa muslimaadka ah ee xorta ah jidka loogalo markaas ayay timid aayddan leh qaata maro go’ ah si aydnaan ugu ekaan kuwaas kale ( Addoomaha)

Waxaa caddeyn u ah in aayaddu aany ka hadleyn cawra la qarinayo in ay magaalada dhex joogeen gabdha muslimaad ah oo lkn addooma u ahaa rag muslimiin ah oo cawradoodana la isla ogolyahay in ay la mid tahay tan ragga waxaan kawadaa iyada oo naasaheedu qaawanyiihiin ayay tukaneysaa taasi oo aad fahmikartid si fudud in haddii ula jeedku yahay qarrin cawro aanay taas dumarku ku kala gadisneyn walibana qisooyinka la soo arooriyo ay ka mid tahay in Cumar gabar muslimad ah lkn Addoon aheyd ugu diiday Jilbaabka si aany u shabihin Xorta.

Aaydda kale ee mawduucan ay ugu soo qaataan in ay ka hadleyso cawra ka dheeraad ah tii horay aanu u arragnay waxa ay leedahay sidan:

واليضربن بخمرهم على جيوبهن

Inkasta oo aayaddani u baahantaha in wax badan laga hadlo haddana si kooban ayaan tilmaan uga bixineyn, aayddu waxa leedahay dumarku khimaarkooda ha gaarsiiyeen Juyuubtooda ( laa laabka jirka) taas macnaheedu maahan in madaxu ka tirsanyahay Juyuubta ee lkn caada ayay u aheyd in ay qorraxda ka dabooshaan madaxa balse ay dayacaan meele muhiim ah  taasi oo ah Juyuubta , Juyuubtana waxaa lagu tilmaamaan Naasaha iyo kalxamaha, xubmaha tarranka iyo Dabada halka ay jirto Juyuub ama jeex jeex uu leehaya jirku balse banaanka yaal oo aan la qarineyn.

Si kaataba ha ahaatee dadyawga dunida waxaa jira anshax ay wada ogholyijiin kaasi oo qur’aanku uu tilmaamayo xagga dumarka oo ah qarinta Juyuubta oo marka aad eegtana waa faqaya cawrada ugu hooseysa ee ay tahay in bulshada lala dhex imaankaro waliba si xadidan. Meeshase aanay qaban hadoodilka xadka baxa ah oo iska ah dhaqan ka abuurmay hinaasaha carrabta. Runtuna ay tahay in caawradaba ay ka dhalato dhaqamada dadka ee aany xiriir la laheyn diimaha.

Qore: Abdirisak Moalim Ahmed