Ali Barre Qorraalo

Sooyaalka Sekularnimada Soomaaliyeed.

Sida ay noo sheegayaan raadadka aarkiyoologiyeed (Archeology signs) eey awoowayaasheen ka tageen, dulka maanta looyaaqaan soomaaliya waxay nolol ka jirtay 9000 sano  ka hor dhalashadii Ciise sagaal kun oo sano.

Dhigaalada sooyaal ee qoran, sidoo kale, waxay iyagane inoo sheegaayaan in soomaaliya ay ka jirtay nolol ilbaxnimo ku dheehantahay afar kun  sano ka hor dhalashadii Ciise.

Soomaaliya waxay qeyb weyn oo muhiim ah ka eheed jid-ganacsigii caanka ahaay ee la oran jiray ”Silk road” ee isaga kooshi jiray qaaradaha yurub, aasiya iyo africa.

 


Ka hor inta aysan soomaalidu qaadan diintii biicmushtari-yadii carbeed ee ganacsiga u imaan jiray geeska africa mudo hada qiyaas ahaan laga joog todoba ila sideed boqolo sano, iyo imaanshaha ninka cad oo ay dhaqaajineysay dano siyaasadeed iyo dhaqaalo, soomaaliya wadaa ka jire  diin, hido iyo dhanqan  aad u fac weynaay.

Inkastoo badi sooyaalka  diineed ee ka horeeyay islaamka ee soomaalidu leheed uu lumay, se hiddihii iyo dhaqankii soomaalida nasiib wanag muu lumin.

Hadaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa ahay, ka hor imaatankii biicmushtariga carbeed iyo diinta uu watay, sidey bay soomaalidu unooleed, hab nuucee ah ayay soomaalidu u maareen jirtay nolosheeda aduun?

Sida uu ka warqabo  qof walboo sooyaalka wax ka yaqaan, soomaalidu waxay leheed xeer ay nolosheeda aduun ku maareyso, xeer-kaa oo lagu tilmaamo inuu yahay mid ka mid ah xeerar-ka ugu faca weyn ee maanta dunida ka jira!

Waxyaabaha aad ka u xiisaha badan marka laga hadlaayo xeer soomaaliga ee aanay dad badani ku baraarug saneen waxaa ka mid ah, in inkastoo soomaalidii hore ay lahaan jireen diin ama diimo, hadane xeer-ka soomaaliga wuxuu ka marnaay astaamo diimeed.

Wuxuu ahaay xeer asalkiisu yahay dadka wax ay isku af-gartaan, gun-tiisuna tahay danta guud ee reer-ka, taas oo ku tusineysa sekularnimada xeer-ka soomaalida.

Halkaan marka aan marayo, waxaa xusid mudan  in markii aan u istaagnay inaan dhidibata u taagno Dhaqdhaqaaqa  Somali Sekulaar  ay dad badani nagu dhaliileen inaan waxba ka duwaneen dhaqdhaqaaqyada ku dhisan diinta ee ummada usoo dhoofiyay aragtiyo laga keenay gacanka carbeed ee ka fog hiddaha iyo dhaqan soomaaliyeed, innagune si taa la mid ah aan sidno uun aragtiyo kale oo aan sal iyo raad ku leheen sooyaalka soomaaliyeed!

Basle sida muuqato,  dhaliishaasi ma ahan mid sal adag ku taagan, waayoo sida ku cad qoraalkii aan ku cadeynay cida aa nahay, waxa si cad uga dhex arki kareysaa in ujeedka ugu weyn ee dhaqdhaqaan uuba yahay soocelinta iyo kobcinta xeer-ka sekularka ahaay ay soomaalida waligeed iyo alleheed ku dhaqmi jirtay!

Ka hor inta aysan soomaalidu qaadan diinta islaamka xeer Somagliga  wuxuu ahaa  mid ka barax la’ wax diin ah.

Balse qaadashadii diintaas ka dib, waxaa dhacday in xeer-ka uu qeybo ( kuwaas oo uu arkaayay inaanay waxba u dhibeen hab-nololeedka bulshada) ka mid ahaay shareecada diintaasi waliba qeybteeda shaaficiyada ee eheed tan soomaalida soogaartay, uu soo qaato, balse marnabna ma uusan lumin dabiicadiisii sekularnimo ee uu lahaay xeer-kaas.

Taasne waxaa cadeen u ah in ay wali ku jiraan xeer-ka qodobo badanoo asaasi u ah oo ka hor imaanayo shariicadii la socotay diinta islaamka.

Inkastoo ay jiri doonaan qormooyin badan oo aan ka soo diyaarin doono xeer-kii soomaalida isku maamuli jirtay iyo waliba waxyabaha u baahan in la kobciyo aragti ahaanteena, hadase waxaan isku dayayaa inta ka hartay qormadaan inaan ku soo bandhigo qodobadii uu xeerka uga horyimid shareecada la socotay soogalitaanka diinta islaamka.
Dhamaan waxa loo yaqaan ‘ xuduuda ee shareecada islaamka/الحدود الشرعية’ xeer-ka soomaaliga dhinac buu iska dhigay, oo hal mid oo ka mid ah ma uu san ka qaadan, isagoo u arkaayo in aaney ku habooneen hab-nololeedka bulshada.
Tusaale ahaan, Haddii nin dhallinyaro ah ee aan wali guursan ama nin xaas leh midkuu doono ha ahaadee uu galmo xaaraan ah ama gogol dhaafba la sameeyo naag nin u dhaxda, taas oo ay iyaduna raalli uga noqotay oo rabitaankeeda ku dhacday, wax sharciga Islaamka waafaqsan laguma qaado, wax Xeer Somali ah oo ka yaalla ama qodob Xeerka Somalida ka mid ah oo lagu qaado ma jiraan, waxa ugu badan oo dhacaa waa in ninkii naagta gogol dhaaftay qabay uu iska furo ninkii naagtiisa u gogol dhaafayna uu la dagaallamo ama dilo oo uu qudhaba ka jaro iyo in ninka iyo naagta isu xaaraan galmooday dadku xantaan oo meelaha laga sheegsheego.
Sidoo kale, tuugannimada, iyaduna waxay leedahay xeer lagu dhaqo oo aan diinta wax lug ah ku lahayn,waxaana ugu muhiimsan in qofka tuugga ah la takoori jiray oo bulshada soo dhex galkeeda ayaa laga go’doomin jiray, tolka oo dhan ayaana isaga mid noqon jiray, waana halka ay ku baxday maahmaahda Somaliga ah ee oranaysa ‘Tuug tol ma leh’ taas oo ku qasbi jirtay in uusan joogi karin oo ku noolaan karin gobolkii uu wax ka xaday, kuna kallifi jirtay inuu meel kale oo aan laga aqoon u qaxo, siiba inuu ma¬gaalo galo oo miyiga ka tago.
Si taas la mid ah, hadii nine kufsadaa inan waxay doontaba ha noqotee, xeer-ka soomaaliga waxaa ka yaal qaanuun ka gadisan ka ay shareecadu qabto ee ah in la karbaasho ninka wax kufsadaa, oo ah in reer-ka uu ka soo jeedo ninka inanta fara-xumeeyay ay bixiyaa oo ay reerka gabadha ka dhalatay siiyaan.
Intani waa tusaalooyin yar yar oo ku tusinaayo in soomaalidii hore aktooda xeer-ka iyo shareecada islaamka u kala soocnaayeen, wixii xeer ahne xeer uu yahay, wixii diin ah ne ay diin tahay.

Hadaba, marka aan dadaal u galeeno inaan soomaaliya ay ka hana qaado sekularnimo, macneheedu ma ahan inaan bulshada aragtiyo shisheeye u soo dhoofineyno sida ay sameeyaan kuwa diimaha ka ganacsada, se waxaan u soo cuno waa in aan dib ugu noqonaaa dhaxalkii awoowayaasheen nooga tageen, deedna halkaa tilaabta ka soo qaadnaa.

Hadaa nahay soomaali uguma horeeno ummadaha ka yara fogaaday sooyaalkooda, balse waxaan cabsi weyn ka qabaa inaan noqon kuwii u laaban waayo.

 

Ali Barre