Qorraalo

Bulshooyinka Seculer-ka ah

In la helo bulshooyin seculer ah, waxa ay eheed soo jiitan dheer oo herdi iyo dagaal aan ka marnayn, isku-dhaca iyo dagaalku waxa uu xoogsaday markii ay xoogaga seculerka’ahe dheheen wadaadka halagu daldalo Xiid-maha iqdaaciga ugu dameeye, sababta arrinkaa keentayne waxa eheed in ay wadaadadu dileen culimo iyo Aqoonyahano faro badan weliba ay u dileen qaabab aad u fool- xun sida gubid iyo qaabab kale oo naxariisdaran.

Dhibaatadii ay wadaadadu ku yaheen culimada iyo aqoonyahanka ma ahayn dil kali ah balse waxa u dheeraa caburin iyo aqoon la dirir ay wadaadadu ku hoosgooyeen aqoonta oo dhan kibaabta diiniga ah.
Qaarada faca weyn ee yurub iyo dhaman bulshooyinka reer galbeedku homar ma aysan gaarin dhanka aqoonta iyo siyaasada iyo akhlaaqada ilaa ay ka adkaadeen wadaadadii, Bulshooyinka seculer-ka ah waxa tilmaam u ah in aysan xubnaha bulshadu ka kooban tahay u fiirin diin iyo midabtoona waxa keli ah oo bulshadaa looga mid noqdona ay tahay Waddaninimo, diintana uma arkaan wax weyn oo bulshada looga mid noqonkaro, waxa kele oo tilmaan u ah bulshooyinka seculer-ka ah xeerarka iyo sharciyada dawlada, ama kuwa bushada u dhexeeya in ay tahay xeerar la dajiyey oo ay bulshadu iyadu falkisay, awooda dawladuna waxa ay sharciyad ka haysataa bulshada; gabi ahana xeerarka dawladu waa kuwo la dajirey oo aan cirka(samada) ka imaan, bulshooyinka Secuer-ka ah diinta iyo amuuraheeda waxa ay u arkaan in ay tahay arrimo taariikhi ah oo ay aadamuhu falkisteen sidaa daraadeed waxa ay diinta u akhriyaan si aan ka duwanayn buuggaagta aqoonta kale.
Dhamaan bulshooyinka Seculer-ka ah waxa ay u soo mareen in ay gaaran nolol ku dhisan xushmaynta aqoonta iyo maanka dagaal dheer oo muddo soo qaatay balse bulshada soomaaliyeed waxa ay aheed weligeed bulsho seculer ah waxa tilmaan ugu filan weynida xeer soomaaliga oo ah xeer iyo hab-nololeed ay soomaalidu kumanaan sanno ku soo noolayd , haddii bulshooyinka seculer-ka ah lagu qeemeeyo xeerkoodu nooco uu yahay ma jirto bulsho seculer ah oo ka fac weyn bulshadeena soomaaliyeed.

 

Yaqdiro Mohamed