Biixi Kidin Qorraalo

Kaftan Culus

Kaftan culus

Qalinka: Biixi Kidin

Fariin ku socota Axmed Xussein waziirka: “Guurista, Qaxootiga iyo Dhalashada” ee dalka Kanada!

Mudanaha Soomaaliyeed ee ku guulaystay in uu wasiir ka noqdo dalka Kanada, waxa aan doonayaa in aan caawa farriin kooban halkan uga diro, farriintana ma ah mid Soomaalinimo, ee waa mid Islaamnimo. Marka koowaad waxa aan leeyahay hambalyo xilka aad gaadhay, marka labaadna ilaahay ugu mahad celi libintaas, waa gaaloo ilaahay baa kaa siiyaye. Haddii aan qodobeeyo fariintayda Axmedoow horta….

1- Waa in aad horay u sii socotaa siina dhex gashaa dawlada Kanada si aad aad qaynuunkood waxa uga badasho, una waa faajiso diinteenna suuban.
2- Waa in aad uu dalka u furto culimada islaamka, si ay dacwadda suubban u gaadhsiiyaan gaalada, kordhina xarumaha diinta laga fidiyo iyo masaajiddaba.
3- Guurka waa inaad wax ka badasho, hal gabadha ayay guursadaan balse waa in aad afar uga dhigto.
4- Oorida ninkeed ku dhaga adaygta, waa in loo banneeyaa ninkeeda in uu garaaci karo markay afka taagtaba.
5- Kooda diinta soo gala ee hadana ka baxa waa intos loo dal-dalaa.
6- Baararka waa xidhaysaa, zinadana ruuxii ku dhaca adhaxdaad ka casayn kooda guur soo marayna, qoorta un baa loo casayn.
7- Xijaabka iyo asturaada waa tiir wayn isagana gows dambeedka ku qabo.
8- Banigiyada hab islaami ah ku kala wad, labiska islaami ka dhig, socodka tima jarashada xataa, waxbarashada islaami ka dhig.
9- Qodobkan waa xasaasi, waxaan codsanayaa in aad xadiddo diinta madaxwaynaha, waa in madaxwaynuhu muslim noqd “kuwa eebbe ruumeeyoow ha ka yeelanina yuhuud iyo nasaaro madax”
10- Waxba yaanu hadalku ila taraarine waad iska garanaysaa nidaam islaami ah waxa laga rabo, ina ay ugu wayn tahay adeecidda madaxda xataa haday dadka badh cunaane, ee waxaan ku xasuusinayaa jihaadka, ha moogaan maraynkabaa mininkiina jaar la ahe.
Waa muhim in kanada shariico lagu xukumo…..