Rashad Osmail

Yaa u kala gar-qaadayo wadaadka iyo hablaha

Laanta Af-Soomaaliga Ee Bbc baraamijkeeda Dooda ,ee Maxee ila tahay ayaa jimcadii lasoo dhaafay doodaasi aheet .Doorka Haweenka Aduunka iyo sanadkaan,waxaa qaada dhigayay wariye Farxaan jimcaale waxaa marti ku haay sadax hablood oo kala ah Samiya oo joogta London ahne u dooda Xuquuqda Haweenka Faduma Qasim Dayib oo jogta fiilaand una hanqal taageyso in ee u tartanto kursiga ugu sareyo dalka iyo Muna Ahmed oo ah gabar qaoraa kana hadasho arimaha bulshada , waxaa dooda dhinac kale ka,ahaa wadaadka caanka Sheek Nuur Baaruud Gurxan. Inta badan habalaha dooda ka qeyb qaadanyay waxee xoojinayeen in xaq u leeyihin in ee qaban karaan hogaanka dalka ugu sareeyo,caalamka ka qabteyn dalal islaam ahne hogaamiyeen sida, Bakistaan, Induniisiiya ,Bangaladheesh dalal badban waxee inta badan doodahooda ku atkeynayeen raga hogaanka ku fashilmeeyn hadii loo dhiibo isbadal muuqdo la,arki lahaa ,kana midyihiin bulshadooda in dhinac waliba ka qeybqataan si xaquuq ah loo wada simanyahay Siyaasada ,Dhaqaalaha, Garsoorka iyo Arimaha bulashada . Balse wadaadka doodisa waa ka duwaneed waxuu ka bilaaway sida tani. ” Aduunyadii oo dumar xukumayaan waa aduunyo caloosha laga raray” markale waxuu yiri soomaliya waa dal islaam ah ma,ahan dal naag xukumeeso ,hadii ee xukunto halaag iyo dhib ayaa soo kordhaayo, sheekha ayaa la waydiiyay dalalka Islaamka ahi ee xukuntay dumar ka waran ma,ahan miyaa wadama islaam ah Pakistan, Bangaladhesh, Turki iyo kuwa lamit ah waxuu yiri sheikha sidan . “Ma,ahan kuwa diinta ku dhaqma oo waxba ugu ma duwana Ingiriiska iyo Jarmalka se diin shaqa kuma la,ahan in Haween Umad hogaamisaa.!!!! Sheekha asiga oo hadalkiisa sii wato waxuu yiri. Haweenka xukuma reer galbeedka waxee wax ku doortaan waa dimuqaaradnimo ee kooxeesi iyo kaligii talisnimo laguma xukuma dalalka hormaray. Waxaa ku kala duwanahay dhaqanka iyo diinta . Dumarkana waa “Caqli,ahan iyo Diin ahaan waa nusqaan.” Waliba Xadiiska Saxiix Bukhaari ah ayuu yiri sheekha. Balse marka doodaas dhinacya badan laga ,eego Waxaa kusoo baxayo in aa loo qaban si garbo siman ah. Oo Bbc waxaa halkaa keentay uun gali ah moowduuca araktiyihiisa diineed badan yihiin in ee kasoo qaadday hal arakti inee siisay fursad. habaluhu ee arakti diimeedna waxbadan ku difaaci karin. Haweenka iyo hogaanka marka ay noqoto culimada sadax aragtiyoodba way qabaan:- 1.Gabadha xil ma qaban karto 2.Way qaban kartaa balse xilka dalka ugu sareeya bee qaban karin . 3.Illaa heer madaxweyana way noqon kartaa . Qolyaha kowaad ee aamisan in haweeneyda xilka qaban karin gabi ahaanba wadaada waxey ku andocoodaan in diinta islaamka aysan qaban in xilka sare qaranka arinka waxee u daliishadaan xadiiska uu sheegayo sida tani . “Ma libaanaan qolo arrinkooda u dhiibtay haweeney” xadiiskaan muslimiinta marka ugu horeesay waxee maqleen 25 sano kadib geeridi Ergaygii Mohamed (Scw) xiligaa muslimiinta ka socday dagaal dhaxdooda ah loona yaqaanay dagaalka Awrta. Qolyaha wadaada salafiga una badan soomalida inta badan dhageestaan kuna xiran caamada iyo inta waxbarashadooda hooseeso waxa ay qabaan in haweeneydu cad iyo cod coora tahay isla markaas ee dhaafin gurigeeda ee tahay adeege. Qolyaha araktida 2aad iyo 3aad qabo waxaa kamit ah garabka Ikhwaan muslimiinta oo uu hogaaminaya wadaadka caanka ah Sheek Yusuf AlQardaawi waxuu yiri hadii xadiiska laga dhigo mid si guud u tilmaamayo “Ma libaanaan qolo arrinkooda u dhiibtay haweeney ” in uu ka hor,imaanayo Qur,aanka oo cadeeyay qisadii Balqiisa ee kucadahay in gabadhas qoomkeeda ku hanuunisay libaanta aduun iyo mida aakhiro. Waxuu sii raciyay in lagu dhaganaan fatwooyin hore ee hadii ee joogi la,haayeen qudhoooda ka laaban lahaayeen kuwa soo saaray .!! Su,aalaha isweydiinta mudan waxee tahay una baahan in lagorfeeya dooda biya dhaceedu tahay sida tani :- -Hadii Dalal badan islaam ah iyo kuwa islaam ahayn madaxweyane dumar ka noqotay waa maxay islaanimada goonida ah ee soomaaliya heesato.!!? – Qoomka halaagsamo hadii haweeney madax noqoto ma dalalka Muslimiinta gali ahaa maba ku jiraan kuwa reer galbeedka iyo dunida kale .!!? – Sheekha waxuu yiri hadii soomaaliya ruux dumar ah loo dhiibo waa halaagsami oo 25 sano ayaan hada marenaa oo halaag iyo dhib nooma yare dumar ayaa u sabab ah.!? – Sheekhu wuxuu carabka aad ugu adkaynayayey inaanay haweenku waxba xukumi kari gaar ahaan hogaaminta , wuxuuna dhabarka saarayey labba xadiis oo qudha oo ah kuwan kor ku soo sheegnay haddaba haddii labbada xadiis xitaa lays dul taago kama dhadhansan karo in haweenka aanay waxba hogaamin karin , xadiiska hore oo ah ” Ma libaanaan qolo arrinkooda u dhiibtay haweeney ” In qudhiisa uu yimit xili siyaasadeed oo dagaal u dhaxeyay ciidanka Cali Binu Abii Daalib RC iyo Caa,isho Binta abiibakar RC oo hogaaminesay koox ciidan ah .ugu danbeentii doodahaan waa soo jireeyn in badan culamada badan ku kala arakti duwaneed. Balse aan ugu dhax baxo aqristayaasha qormadaan.!?

 

Rahaad Osmail