Abdirizak Abdirahman Osman Qorraalo

Caqliga iyo Caadifada

Labada xisbi ee ku loolama talada qofka bini aadamka ahi, iyo gaarista goaamadiisa kama dambeysta ah ee uu nolosha ku wajaho, waa caadifad iyo caqli.
Caadifadda waxaa tamar iyo shidaal u ah shahwada iyo mala-awaalka, waxey cuskataa dareenka, waxey ka duushaa hadba jawiga hareeya aagga iyo wakhtiga qofku markaa uu ku suganyahay, waxa ay ka koobantahay  waxaa ugu muhiimsan naxariis, xaasidnimo, jaceyl, dareen-cunsuriyadeed, cabsi, nashaad, kibir, xin iyo mirqaan.
Caadifadu marka ay majaraha u qabato talada qofka waxey dhashaa khaladaad fara badan iyo inyar oo sax ah lkn aan jiho laheyn, dhanka kalena aan looga fadhinin in ay waarto, waa tan inta badan keenta goaamada laga shalaayo ee khasaarada lixaada leh dhaliyo.

caqligu waa xisbiga u baratama qabashada talada go’aan qaadashooyinka qofka, isaga oo xukunka kusoo gala hab dimuqraadiyadeysan, iskuna kalsoon.
Caqligu wuu ka madax banaanyahay saameeynta jawiga iyo duruufta, oo ma qasbaan e wuxuu isticmaalaa macluumaad u keydsan oo uu maqlay ama soo arkay intii uu jiray, isagoo la barbardhiga waxa jooga kuna saadaaliya waxa imankara kadibna kasoo saara go’aamo isku dheeli tiran, oo inta macluumaad, aqoon, iyo khibrad uu leeyahay ama u keydsan si cad uga tarjuma,
caqligu wuxuu iska diidaa wax yaabo markaa qurxoon oo si walbe nafta ugu raaxeyn kara markaa lataaganyahay, kadib marka uu ku miisaamo aaladiisa saadaalineed iyo cilmi baarid uu kaga salgaadho, taas oo tilmaan ka bixisa in waxani xumo dambe leeyahay, haba wacnaadaan xiliga la joogo.
Waxaa dhacda in caqliga iyo caadiafadu ay talada wadaagaan, soona wada saaraan go’aanno ay kuwada saxiixanyihiin waa marka jawi dagaal iyo xaalad dag dagi timaado oo kale, markaasu nafta ay wada ilaashanayaan awgeed way heshiiyaan oo talo wadaag bey yeeshaan, waxaa jira xeer-ilaaliye guud oo labadaba kasareeya (caqliga, iyo caadifadaba) waana damiir-ka.
Damiirku wuxuu kadhiganyahay nuxurka labadooda oo lamiiray. Hardanka joogtada ah ee malinlaha, saacad laha iyo daqiiqad laha ah ee ay labadooduba (caqli&cadifad) kuwada jiraan isagu masoo galo,
lkn se wuxuu leeyahay ku dirqin uu ku dirqiyo nafta sameynta samafal uu daruuri u arko, iyo diidmo qayaxan (veto) xumaan ladiido ah kadib markay xadka kabaxdo xumaanto oy foolxumaato, waa haduu noolyahaye.

Labadaa xisbi een sheegnay waxaa soo doorta oo u codeeya
1-qofka xaaladiisa caafimaad iyo daganaashihiisa ama daganaashiya la aantiisa maskaxeed
2-abuurkiisa iyo dabcigiisa shakhsi ahaaneed
3-bay ada uu qofku ku noolyahay(asxaabtiisa/lataliyayaashiisa) iyo back-ground-kiisa nololeed (qoyskiisii iyo ababintiisii hore ee caruurnimo) wixii uu ka dhaxlay

qofku wuxuu matalaa bulsho, bulshaduna waa qofaf is biirsaday ilaa ay bulsho ka gaareen, go’aamada bulsho wadarteed u qaadatana waxaa hindisa qof ama qofaf kooban,
Bulshooyinka dunida sadexaad khaasatan kuwooda sii liita dhanka kaabayaasha nolosha een anagu (soomaalida) ugu magac dheernahay,  waxey caan kuyihiin caadifad iyo iney taladoodu ka go’do wadnaha iyo dareenka oo aysan maskaxdu shaqeynin, halka dadka waqooyiga dunada dagan (Europe) ay ku suntanyihiin caqli ciirsiga, oo ay ku yartahay beer nugeylka iyo khayaaliga.
Tusaale ahaan afrikaanka waxaa ku badan isku tiirsanaanta, oo waxey jecelyihiin in masuul laga ahaado, waxey aad u ixtiraamaan weyneeyaan sadbursina u ogolyihiin kaaba qabiilada iyo daneysatayaasha oo aad uga macaasha, oo afrikaanku maba joogi karo isagoon sameysan kaaba qabiil, ugaas, suldaan iyo wadaad, waayo caadifadaa waxey keensataa in qofku u baahdo xanaano iyo qof uu hoos joogo.
waxaa kaloo ku badan khuraafaadka iyo aaminaadda waxyaabaha maqan(qaybiyaatka) taasoo ay uga dhuuntaan nolasha dhabta ah una wakiishaan hawlaha ay qaban lahaayeen in uu u qabto wax ay mala awaaleen.
Halka dadka reer galbeedka ee caqliga talada u doorta, ay ku yartahay isku tiirsanaantu, waxaad arkeysaa in qoysku uu kala mashquulayo, oo ilmuhu marka uu gaaro da’a cayiman ay waalidkii kala furanayaan, daw iyo sharcina kukala baxayaan, dhashuna ay si madax banaan magaaladooda u galayaan, waalidkun hawlahooda iska wadanayaan
nimankaasu waxaa ku yar khuraafaadka, qabyaalada nooca aynu heysanno iyaga maba ay yaqaanaan, noloshana waxey u waajahaan sey tahay.

Abdirizak Abdirahman Osman