Ibraahin-Hawd Yuusuf Qorraalo

Asalka kooxaha muslinka (1)

Diinta Islaamka Rasuulku (scw) wax uu ka dhintay iyada oo midaysan dadka haysta oo dhanna la gu magacaabo muslimiin. Waxaa jira aayado badan oo dadka faraya diinta iyo dadka haysta oo dhami in ay mid qudha ahaadaan, in kooxo loo qaybsamaana ay tahay shar iyo diin la’aan, tusaale ahaan aayaddan:

(إنَّ الَّذِينَ فَرَّقُوا دِينَهُم وَكَانُوا شِيَعاً لسْتَ مِنْهُمْ فِي شَيْء)
– الأنعام / 159

Ha ahaatee waxaa la og yahay maanta in loo qaybsan yahay kooxo aan tiro lahayn kuwaas oo mid waliba iyadu isu haysato in ay tahay muslinkii dhabta ahaa. Haddaba maxaa dhacay ee sidaa wax u noqdeen?

Horta waxaa jira hadallo badan oo Rasuulka la ga sheego oo la gu saadaaliyay qaybsanka muslinka oo uu xadiiskan hoos ku qorani ka mid yahay, kaas oo leh muslinku wax ay u qaybsami doonaan 73 kooxood kuwaas oo ay mid keli ahi jannada gelayso inta kalena naarta.

(افترقت اليهود على إحدى وسبعين فرقة، وافترقت النصارى على اثنتين وسبعين فرقة، وستفترق هذه الأمة على ثلاث وسبعين فرقة كلها في النار إلا واحدة، قيل: من هي يا رسول الله؟ قال: من كان على مثل ما أنا عليه وأصحابي.)

Haddaba xadiisyada noocan ah la ma xaqiijin karo dhab ahaan in ay yihiin hadalkii Rasuulka iyo in ay ka mid ahaayeen dacaayadihii xad dhaafka ahaa ee ay kooxii colloobay isu samaysteen.

Haddii aynnu eegno kooxda muslinka maanta u gu tiro badan oo ah ta aynnu soomaali ahaan ka tirsan nahay ee loo gu yeedho Ahlu Sunnah wal-Jamaacah, bilawgii Islaamka la ma aqoon la mana adeegsan jirin magacaas iyo waxa uu tilmaamayo. Wax uu soo shaacbaxay badhtamihii qarnigi saddexaad ee Hijriga, in kasta oo war aan la hubini sheego tilmaanta “Ahlu Sunnah” in uu adeegsaday wadaad la dhihi jiray Maxamed bin Siiriin oo noolaa kalaguurkii qarnigii kowaad iyo kii labaad. Iyada oo ay sidaa tahay, fahanka tilmaantaas oo aan magaca loo aqoon waxaa la ga soo bilaabi karaa colaaddii Cali ibn Abii Daalib iyo quraanruuggii loo bixiyay Khawaarij, iyo is la maalmahaas oo aragtida Shiicadu bilawday in ay is qaabayso.

Khawaarij iyo Shiico midkoodna bilawgii ma ahayn mad’hab ama fikir diineed, wax ay se labaduba ka bilawdeen murankii siyaasadeed. Khawaarijtu asal ahaan waa qaybtii u gu dagaalyahansanayd u guna mintidsanayd ciidankii uu Cali ku la diriray Mucaawiye, hayeeshee wax ay ka leexdeen oo isaga dagaal ku qaadeen kolkii Cali oggolaaday dhexdhexaadintii isaga iyo Mucaawiye loo gu garnaqay. Shiicaduna dhankooda is la maalmahaas wax ay qaateen fikradda ah asalkaba in ay gef tahay talada muslinka in la gu gorgortamo, waayo Aal Beydka oo qudha ayaa xaq u leh in ay madaxweyne noqdaan, oo ah Cali iyo wiilashiisa. Labaduba qunyar qunyar ayay dabadeed u koreen oo murankii siyaasadeed ka dhex abuureen qodobbo badan oo caqiido, fiqi iyo falsafadba leh dabadeed mad’hab noqdeen. Fikradda Sunniguna tabtaas oo kale ayay qunyar qunyar isu qaabaysa iyada oo ku dherersan diidmadeeda labadaa qolo ee hore.

Labada eray waa “as-Sunnah” oo macnahu yahay “tubtii” oo la ga wado waddadii Rasuulka iyo “aj-Jamaacah” oo ah “urur” yacni ururka muslinka. Sida aan loo garanayn waqti iyo si cayiman oo aragtidu ku bilaabatay si la mid ah baan loo cayimi karin cidda magacaa ku sifoobaysa, waayo waxaa jira mad’habo aragtidan debedda ka soo gala ama iyada ka tafiirma. Sidoo kale dhab ahaan ma jirto soohdin xaddidan oo la gu galo ama la ga ga baxo fikraddaas. Si taa la mid ah ma jirto “jamaacada” la sheegayo cid maalin ku heshiisay, goor la gu heshiiyay iyo qodobbo la gu heshiiyay. Waa aragti si qubane ah isaga dhaqan gashay.

Ahlu Sunnaha, Ahlu Xadiisna waa la yidhaahdaaye, qodobbo dhawr ayaa jira haddaba oo loo gu abtirin karo abuuranka fikradda:

1. Quraanka iyo xadiiska Rasuulka oo wada socda ayaa noo diin ah.

2. Fiqigii ibn Maalik, Shaafici, abuu Xaniifa iyo ibn Xanbal ayaa noo shareeco ah.

3. Taladii afartii khaliif ee Rasuulka ku xigay waannu oggol nahay oo xaq bay ahaayeen.

4. Saxaabadii oo dhami runlowyaal bay ahaayeen, wax wal oo ay Rasuulka ka sheegeen, ama diinta ka dhaheenna, hadal la’aan baannu ku qaadanaynnaa.

5. Khilaafkii iyo colaaddii saxaabada dhex maray oo dhan dhexdhexaad baannu ka nahay, giddigoodna xaq bay doonayeen.

6. Madaxweyne kasta oo muslin ah oo na xukuma, si wal oo uu faasiq u yahay, waa ulul amri, in la addeecaana waa waajib.

7. Sidaas wax aannu ku nahay “al-firqah an-Naajiyah” oo ah kooxda xaqa ku sugan ee aakhiro badbaadaysa ee Rasuulku sii sheegay.

Laakiin waa gar aynnu keligeen naqsannay dabadeed isa siinnay, sida ay mid waliba garteeda keli u naqsatay dabadeed xaqa isu siisay. Nin keligii garramay iyo nin dhul ganayna ma gefaan.

Haddii se ay Sunnigii maanta is wada gumaadayaan oo qudhooda 73 kooxood u sii ka la baxeen, xaalku waa sidee? Yaa Sunno iyo Jamaaco ah?

 

Ibraahin-Hawd Yuusuf