Abdirisak Moalim Ahmed Qorraalo

Islaamka ma oggol-yahay xoriyadda fikirka ama caqiidada

Islaamka ma oggol-yahay xoriyadda fikirka ama caqiidada?

Inkasta oo ay adagtahay in qof-ku ku fahmo isaga oo ka heysta mawduuca aaminaad ku dhisan sooyaal iyo Abab shaqsi ah haddana adeegsiga caqliga iyo indhaha oo lagu furro xaqiiqda waxa ay ku siineysaa xoriyad iyo dhalasho cusub.

Mawduuca waxa aan ka eegi doonaa jihooyin badan sida: habka Qur’aan-ku usoo bandhigay, uga hadashay Axaadiista lagu qabo kalsoonida, sooyaal-ka tafsiir-ka diiniga ah, dhaqan galalidda muslimiinta ee arrintan, waxa kale ee dul istaagi doonaa doodaha cusub ee ay qabaan muslimiinta lagu tilmaamo qunyar-socod.

Qur’aan-ka iyo xoriyadda caqiidada

Doodeena waxa aan ku billaabi doonaa sida Qur’aan-ku uga hadlay mawduucan. Qur’aan-ka marka aad fiiriso ugama hadlin hal waji balse waxa uu uga hadlay laba waji oo mid saddaxaad laheyn.

wajiga 1aad ee ah haddii uu oggolyahay xoriyadda xagga caqiidada/fikirka.

Qur’aan-ka sida ka muuqata waxa uu muujinayaa meela badan sida aan loo ogoleyn in dad-ka lagu qasbo diinta bal e loo daayo waxa ay aaminsanyihiin. aan soo qaadanno aaydahaha ka hadlaya arrinkan:

– لكم دينكم ولى دين..الكافرون( diintiinna innana diinteenna
– لااكراه فى الدين ( qasab majiro)
– افانت تكره الناس حتى يكونوا مؤمنين( ha ku qasbin dadka diinta)
– فمن شاء فليؤمن ومن شاء فليكفر ( qofkii doona ha rumeeyo qofkii doonana ha gaalooba)

Wajiga 2aad ee Qur’aan-ka ee diidaya xoriyadda caqiidada ama fikirka.

Aan soo qaadanno aayd si cad uleh haddaadba la kulantaan gaalada qoorta ka jara oo markaad jilcisaan si adag u xir-xira dabadeedna kala doorta in aad iska sii deysaan iyo in aad xoolo ka qaadataan.

فإذا لقيتم الذين كفرا فضرب الرقاب حتى اذا اثخنتموهم فشدوا الوثاق فإما منا بعد وإما فداء. ..محمد.

Aan eegno haddana aayadaha si gooni ah u tilmaamaya habka loola dhaqmayo Mushrikiinta iyo in aan dagaal-ka laga joojin oo la go’doomiyo loona fariisto dariiq kasta illaa ay ka qataan Islaam-ka bal ay ka salaadaan kana soomaan.
فاذا انسلخ الاشهر الحرم فاقتلوا المشكين حيث وجدتمهم واحصروهم واقعدا لهم كل مرصد فإن تابوا وأقاموا الصلاة واتو الزكاة فخلوا سبيلهم….التوبة.

Marka aan arragnay sida ay tahay in loola dhaqmo mushrikiinta bal aan arragno sida ay tahy in loola dhaqmo kuwa Ahlu-kitaab-ka ah.

Aan soo qaadanno aayadda u ah hal beegga marka ay timaaddo waxa laga yeelayo qoladan.

قاتلوا الذين لا يؤمنون بالله ولا باليوم الآخر ولا يحرمون ما حرم الله ورسوله ولا يدينون دين الحق من الذين أوتوا الكتاب حتى يعطوا الجزية عن يد وهم صاغرون .
Si cad ayaa loo sheegay waxa laga yeelayo iyo waxa laga rabo Ahlu-kitaab-ka oo ah in lala dagaalayo haddii :

1. Aanay rumeyn alle iyo Aakhiro.
2. Aanay xarrimin waxa alle iyo rasuul-ku xarimeen.
3. Aanay diin ka dhigan diinta saxda ah.
Haddii intaas aaan laga helin waxa ay noqoneysaa in laga qaado Jizyo waliba iyaga oo dulleysan.

Haddaba sida aayadda ka muuqata laba unbaa mid laga yeelayaa in ay islaam-ka xoog ku qaataan ama haddii kale ay iska bixiyaan.

Sida ay u sawirta Axaadiistu arrinkan.

Axaadiistu waxa ay si cad u sheegtay in aan la aqbali karrin laba middood ma’ahee. waa mide in diinta ay tahy in dadka loogu bandhigo si qasab ah oo aan barya laheyn waa midda kale e in la dilo qof-kasta oo ka baxa diinta. aan soo qaadanno Axaadiista ugu xoogga badan xagga saxada.
عن أبي هريرة رضي الله عنه : { كنتم خير أمة أخرجت للناس } . قال : خير الناس للناس ، تأتون بهم في السلاسل في أعناقهم ، حتى يدخلوا في الإسلام…صحيح البخارى.
Xaddiskani waxa uu si cad u muujinayaa in gaalada lagu soo qabto silsilado oo lagu qasbo islaam-ka.
امرت أن أقاتل الناس حتى يشهدوا أن لا إله إلا الله ، وأن محمدا رسول الله ، ويقيموا الصلاة ، ويؤتوا الزكاة ، فإذا فعلوا ذلك ، عصموا مني دماءهم وأموالهم ، إلا بحق الإسلام ، وحسابهم على الله تعالى ..مسلم والبخارى.
Xaddiiskani isagana waxa uu sii xoo jinayaa in dadka lala dagaalayo illaa ay ka qiraan Shahaadateynka, salaadda
iyo soon-ka. naf iyo maalna aan loo dhaafeyn illaa ay ka sameeyaan sidaas.

Dhinaca kale sida aan tilmaannay qofka Muslim-ka ah waxa uu ku muteysanayaa dil, haddii uu qaato go’aan ah in uu isaga tago diinta
(لا يحل دم امرئ مسلم إلا بإحدى ثلاث: الثيب الزاني، والنفس بالنفس، والتارك لدينه المفارق للجماعة) رواه البخاري.
Xaddiskan isagu waxa uu dheeryahay kuwa kale in uu qof-ku xubintiisa tarranka ku muteysanayo in lagu dilo dhagax.

من بدل دينه فاقتلوه..رواه البخارى ( qof-kii baddala diintiisa dila)

Sidee ayay u wajaheen culimadii Madaahibtu arrintan:

Waxay ku Ijmaaceen dhammaan aaydaha ka hadlaya xoriyadda caqiidada in ay aheyd duruuf islaam-ku soomaray uuna ka gudbay sidaana lagu nasakhay ayna tahay arrinta lagu dhaqmayaahi aaydaha danbe iyo axaadiista oo aanay jirin diin kale oo la aqbali karo iyo in islaam-ka ay tahay in xoog lagu faafiyo. Si la mid ahna la dilayo qofkasta oo ka baxa diinta Islaam-ka.

Arragtida Qunyar socod-ka

Qoladan danbe waxaa heysta mushkilad aanay xal u helin illaa hadda, taasi oo ah muuqaal-ka silaca leh ee ay ka arkaan muslimiinta oo lagu sii darro mawqif-ka kooxaha mayal-ka adag iyo fasiraadooda diinta. Si taas meesha ay uga saaran waxa ay garrawsadeen in aanay suurta gal aheyn in inta uu masaajid-ka ku tiirsanyahay fasiraadii hore ee diinta aan laga lib helikarin kooxahan.

Qoladani waxa ay dhaxda uga dhaceen hawl aanay u diyaar garoobin natiijada ka imaan karta taasi oo ah in ay meesha ka saaraan mid ka mid ah halbeegyadii ugu adkaa ee ay dajiyeen raggii madaahibta oo lagu magacaabo الناسخ والمنسوخ iyaga oo uga gol-leh taas in ay dib usoo shaqa galiyaan aaydihii ay tilmaameen in la na-sakhay waxaase horey loo yiri: (laaca arrgtaye laagga mo ogtahay) oon kala jeedo markii ay nafta soo galiyeen aaydihii ka hadlayay xoriyadda caqiidada iyo wada noolaanshaha ayay arkeen kuwii ay sheegeen Madaahibtu in lagu nasajhay kuwaas oo indha kulul kusoo eegaya oo waliba lagu siidarray axaadiistii aan xusnnay ee biya kama dhibcaan-ka ahaa kuwaasi oo qoladani ku riixeen in nabiga lagu been abuurtay balse ay indhaha hoos u foorarsheen markii ay arkeen aayda dabka kacas oo tilmaamaya isla arrintan.

Guntii iyo gaban gabadii wada noolaanshaha iyo ku ixtiraam-ka aragtida iyo caqiidada qof-ku uu rumeysanyahay kaagama baahna waxyi kugu soodaga bal e, waa abuur ku sameysan nftaada haddii aany kaa dhaawicin qeyla dhaanta ku dheehan naceyb-ka iyo isku kal sooni la’aanta.

Qore: Abdirisak moalim Ahmed