Mohamed Osman

waa maxay sekulaar?

Waxaad moodaa in dadka qaarki secularnimada ay ka aaminsanyihin iney tahay diin cusub oo boos raadis ah.

Hadaba akhristow  arrinka sida ka fog!

Xaqiiqda Sekularrnimada ama calmaaniyadu waa aragti ku qotonta addunka iyo ka faideysigiisa. Waxey sidoo kale weeleyneesa:

(1) kala saarida awoddaha dowlada  iyo tan diiniga, si  siyaasiyiinta  xil doonka looga fogeyo inay diinta ka dhigtaan jaranjaro aay baarlamaanka ku gaaran, iyo waliba in wadaadda talo doonka ah looga ilaaliyo in diinka aay ka dhigtaan gabaad aay talada dalka ku hantiyaan.

(2) Waxey suragalineysa in lahelo bulsho u wada siman ka faaideysiga kheyradka dal leyahay.

(3)Waxey u hilineysa cadaalada iyado qofna loogu eexaneynin qabiil, isir,firqo diini ah oo gaar ah IWM.

(4) Wa fikradda dhabaha u xaari karta in bulsho kala aragti duwani iney wada noolan karaan isla markaana dan guud wada yeeshan iyo inkalo badan. Fiiro Gaar ah, calmaniyadu ma ahan mulxidnimo iyo Allah diidnimo.

(5) Ogow mulxid(Alle diid) walba wa calmaani, lakin calmaani walba mulxid( Allediid) ma ahan.

Sidaa darteed qofka isago muslim, yahuudi, ama christian ah bu fikradda u dhug-yeelan karaa ama taageri karaa, madama ay badbaado bulsho horseed u noqon karto.

Sekulaarism  taarikh dheer bey ledahay,  waana  ka xumahay inan so wada koobin, lkn wanku faraxsanahay inan xooga ka bidhaanshay.

Mohamed Osman

About the author

admin