Ali Barre Qorraalo

Did u habeenta diinta.

Wax badan baa laga dhahay malmahaan “dib-u-ahabeenta islamka” si looga hortago aragtiyada kooxaha mayalka adag sida daacish.

Fahanka musliinta “maanka-furan” sida “muslimiinta liberals-ka” ee ku dhisan in quranka iyo axaadiista la siiyo macno cusub, waa mid aan wax badan kaga duwneen kan kooxaha mayalka adag.

Macno cusub siinta ayadaha quranka iyo axaadiista, oo ah isla game-ka ay kooxa mayalka adag ciyaaran, ma ahan mid isbadal soo kordhineysa aan ka eheen inay siineyso kooxaha mayalka adag sharciyad iyo fursad ay dib ugu soo laabtaan garoomada.

Aragti ahaanteyda, hadaa nahay muslim waxaan u baahanahay inaan tilaabo geesinimo ku dheehantahay aan horay u qaadno, oo aan naqdi dusha kala dhacnaa fikrada oraneyso quraanku waa macsuum ama lama-tabtaan, qaladna ka maran.

Tani shook iyo argagax bay ku noqon muslimiin badan oo lagu soo abaabiyay fikrada ah in quranku yahay hadalkii alle oo barax-la’, balse muslimiinta qaar ayaa mar-hore qaatay.

Mufakiriinta sida Abdul karim soroush ee reer iiran-ka ah, sayyid al-qabbanji ee reer ciraqi-ga ah, iyo saeed nashiid ka marocan-ka ah, aaya ka mid ah kuwa su’aalo badan ka keenay aragtida ah in quranku hadalkii ilaah oo qalad ka maran yahay.

Saeed nashiid, tusaale ahaan, wuxuu buugiisa cusab ee “Modernity & the qu’ran” ku leeyahay ” quraanku ma ahan hadalkii ilaahey, sida uusan roodhigu u eheen wax soosaar-ka tooska ah ee beer-falaha. Eebe wuxuu soo saaray kaliya maadada cayriinka ah/raw material e ah waxyiga, sida uu ninka beeraleyda ahi u soo saaro maadada ceyrinka ah e qamadiga, balse kan u badalaayo roodhiga waa ninka foor-nada iska leh, isagoo u gaashanayo xirfadiisa shaqo iyo hal-abuur si uu u soo saaro nooca ugu qiimaha badan kuna haboon macaamiishiisa. Si taa la mid ah, nabigu waa kan ka musuulka ahaan inuu waxyiga ee ah madada cayriinka ee quranka u badalo hadal isagoo ka faa’iideysanaya awoodihiisa bini’aadaneed, si uu u soo saaro hadal ku haboon xaalada iyo meesha la joogo.

Maxay tilaabadan oo kale muhiim u tahay? sababtu waa in markastoo aad awood u yeelato inaadan ku difaacin fikrad “Eebaa yiri” kaliya, waxaad abuureysaa garoon cusub oo ay firkradaha xun-xun iyo kuwa wanagsan ay si siman ugu baratami karayaan.

Taasne waxay noo ogolaaneysaa in maadiqa/logic iyo maan-galnimadu/reason noqdaan kaliya waxa aan wax ku aqbalno ama aan ku diidno, halka aan ka dhihi leheen “way qorantahy” iyo “eebaa yiri”.

Marka uma baahnin fasiraad tirabadan iyo inaan macnaha ka badalnaa aayadaha qaar, oo aan macno cusub qasab siinaa.

Inta aan diidanahay inaan aqbalnaa fikrada ah in quraanku yahay hadal bini’aadan, waxaan ku qasbanaaneynaa inaan game-ka kooxa mayalka adag dajiyeen ciyaarno, inagoo ka gacma maran hubka kaliya ee aan kaga adkaan karno kooxahaas.

Kaliya markaan garawsano in quraanka iyo xadiiska noqon karaan wax aan qalad ka marneen, markaas uunbaa “islamka” xabsiga uu ku jiro ka saari kareynaa.

Islamku wuu ka balaaranyahay quraan iyo xadiis kaliya, waa aragtiyada, xigamadaha, dhaqanka boqolaal milyan oo dad ah e 14ka qarni soo jiray.

Diinta, macneheeda asaasiga ah, waa qof raadinaya wax uusan garaneen, waa wado lagu raadiyo daganaansho, awood, iyo macno, dunidaan aadka u adag ee uu qofku ku dareemaayo taag-darri badan.

Ma ahan badalka maanka ee waa garabkeeda.

Waxaad u fiirsataa badi dadka rumeeysan diimaha, ma ahan badankoodu kuwo xataa garanaya waxa kitaabkooda barakeysan uu dhahayo.

Waxay ka yaqaanan kaliya wax yar ama waxba kama garanaayanba. waxaa diin u ah iyaga kaliya wixii ehelkoodu u sheegeen, sida salada, soonka, sadaqada, cawinta dadka tabaaleysan, nabada jeceelka, dagaal neceebka.

Waa kaas islamka qofka caadiga ah. Balse kooxaha mayalka adag waxay rabaan in islamkas ay burburiyaan.

Waxay rabaan in islamka ay ku soo kooban “qoraal cimrigoodii tagay” , oo ay ka saaran caqli-galnimada, kana hor-is-taagan horumarka.

Waxay rabaan inay noo celiyaan 1,400 sano ka hor iyo duruuf ka gadisan duruufteena, waxay kaloo rabaan inay islamka ku soo koobaan caqiido iyo xuduudaha jir-dilka ah.

Islamku waa inuu macnihiisu noqdaa, sidaad qof bini’adana oo wanagsan u noqon leheed, sidaad naxariista, jeceelka, iyo waxtar kaada dadka kale u gudbin leheed.

Fikrada ah in quraanku yahay hadal bini’aadan ma ahan mid burburuneysa islamka, kaliya waxay burburinee fikradaha maan-galka eheen. Amaa inteena kale waxay naga xureyneysaa xabsiga aan ku jiro, waxay albaabada u fureysay maan-galnimada, taas oo noo suurta galineysa inaan diinta wixii fiicane ka qaadano wixii xunne aan ka tagno.

Islamku uma imaan inuu badalo maskaxda uu eebe nagu maneestay.

Waan ogahay dadka qaar waxay dhihi doonaan islamku waa qaciido cad oo dhab ah oo aan isbadalin, basle anigu waxaan leeyahay, waa laga yaabaa in xaqiiqo biyo kama dhib caan ah jiri karto, lkn hadaa nahay bini’aadan xaqiiqadu xageena waa nisbi, waxayna nisbi u tahay aqoonteena, fahankeena, bey’ada iyo waqtiga aa nool nahay, inaguna maadama aan is badbadaleeno, xaqiiqduna waa nala mid.

Taas waaye sababta ay tahay in diintu isbadashaa, oo ay horumar sameysaa.

Diinta aan isbadalin, diin maahan, ee waa jahli iyo aqoon daro. Waa jahli maxaabiis nooga dhigaayo waqti laga soo gudbay.
W/Q: Hassan Radwan.

W/T: Ali Barre

Isha qormada: The guardian.