Qorraalo

Dhaqdhaqaaqa somali sekular

Yaa nahay

1- hor iyo horaan, Dhaqdhaqaaqa Somali Sekulaar  ma ahan xisbi siyaasi ah (politicla party) ama urur diin ku dhisan,(religious organization).

2- Daqdhaqaaqa Somali Sekulaar  si toos ah ama si dadban uma taageero xisbi ama siyaasi u hanqal taagaayo inuu ka qeeb-qaato talada dalka.

3- Dhaqdhaqaaqa Somali Sekulaar  waa urur aan laheen dano siyaasadeede, hase-ahaatee si siman ugu adeega bulsho-weynta Somaliyed.

4- Aragtida Dhaqdhaqaaqa Somali Sekulaar  waxaay ku dhisantahay in  bulshada Somaliyed taariikh ahaan weligeed iyo alaheed  ahaan jirte bulsho ku dhaqanta xeer sekulaar ah marka laga reebo xiligii  ka danbeye burbukii dowlada dhexe ee 1991 iyo la wareediga ururada xag-jirka ah ee  diinta ku dhisan  la wareegeen maamulka dalka iyo  adeegyada bulshada sida waxbarasha, cafiimaadka, ganacsiga iyo warbaahinta.

Sidaa kor ku xusan aawigeed,  halganka Dhaqdhaqaaqa Somali Sekulaar  waxuu ku aadanyahay soo celinta iyo kobcinta xeerka sekulaarka ahaa ee bulshada Somaliyed weligeed iyo alaheed sooyaal ahaan ugu soo dhaqmi jirte.

Ujeedadeena 

1- -Dhiirigelinta iyo faafinta dareenka Somali-nimada ( Somali Nationalism  الشعور والانتماء القومي الصومالي  )  iyo waliba in qiimaha  Somalinimada qiimo kasta  ka horeyso.

2- Dhiirigelinta iyo faafinta fikir ku dhisan muwaadin-nimada CITIZENSHIP (  المواطنة )

3- Dhiirigelinta iyo faafinta fikirka ku aadan  sinaanta dhamaan muwaadninta dalka Jumhuriyda Somaliyed rag iyo dumar

4- Dhiiirigelinta iyo faafinta fikrika ku aadan xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah (Human rights)

5-  Dhiirigelinta iyo faafinta fikirka ku aadan ladagaalanka midabada kala duwan ee takoorka haweynka.

6- Dhiirigelinta iyo faafinta fikirka ku aadan xuquuda caruurta ee caalamiga ah. (Child  rights)

7-  Dhiirigelinta iyo faafinta fikirka ku aadan xushmeenta xuquuqda dadka laga tira  badanyahay.

8- Dhiirigelinta iyo faafinta  fikirka ku aadan kala fogeenta diinta iyo siyaasada.

9-  Dhiirigelinta iyo faafinta fikirka ku aadan xuriyda diinta ( in qof walba inuu diintiisa xur u’yaha)

10- Dhiirigelinta iyo faafinta fikirka deemooqaraadiga ah ee doorashada ku dhisan.

11- Dhiirigelinta iyo faafinta cilmiga syniska.

12- Dhiirigelinta iyo faafinta adeegsida caqliga, iyo ka fogaashada khuraafaatka

13- Dhiirigelinta iyo faafinta adeegsiga fikirka naqdiga ah (التفكير النقدي ) Critical thinking.

14- Jirid-siibida fikirka ku dhisan in  talada dalka lagu qeebsado qabiil

Qiyamka uu ku dhisanyahay dhaqdhaqaaqa

1- in dhamaan adaanahu uu leeyahay xuquuq siman

2- in uusan jirin qof qofkale ka xuquuq badan.

3- in kala fogeenta diinta iyo  siyaasada tahay wadada ugu haboon ee lagu xaqiijin karo sinaanta.

 Yoolkeena

1- In dalka lagu dhaqo dastuur sekular ah oo la jaanqaadikro  xeer-Somaliga sekulaarka-ah ee umada Somaliyed weligeed hido iyo dhaqan u leheed

2- in la helo  nidaam  diimooqaraadi ah oo ku dhisan  axsaabta tiro badan, mulit- party political system.

Halgemiyaasha dhaqdhaqaaqan dhidibaha u taagay ( the founding fathers):-

1- Ahmed Osman            Norway

2- Dr Ali Barre                   Germany

3- Yaqdiro Isse                  Germany

Halgameyaasha dhadhaqaaqan xibnaha ka ha:-

4-Amal Aden                     Norway

5 – Dr. Hiba Shookari      Kuwait

6- Iqra Abdi                        Turkia

7- Naimo Yusuf Abdi      London

8- Sahra Cabaas     Sweden

9- Nasro Omer                 Canada

10- Tacy  Spoula              USA

11- Sarah  Rage                Kenya

12- Ahmed Hanafi           Egypt

13- Cadirizaq  Moalim    Finland

14- Khalid Yusuf Dharaar     Sweden

15-Mohamud Osman    Germany

16- Abdirisak Mood        Italy

17- Abdinasir Ibrahim    Kanada

18- Harbi Haji                    USA

19- Cabdiraxmaan Xariiri  Sweden

20- Gulled Bellel              South Afrika

21- Mustafa Ali                                Sudan

22- Abdirahman Yusuf Cybrus

23- Yusuf Shirane            Norway

24- Burhan Deeq             Kenya

25- Fahim Abba                Swiserland

25- Mohamed Nur          USA

26- Abdiriza Omar           Denmark

27. Bille Abdullahi          UK

28. Abdirashid Isma’il   USA

29- Cumar Cali                USA